[audio:http://www.ishabaydhaba.com/wp-content/uploads/2013/12/maxamuud-sayid-aadan1.mp3|autostart=yes]
Siyaasi ka soo jeeda gobolka Gedo, horeyna u ahaa wasiir iyo xildhibaan ka tirsanaa dowladii kmg ee Somalia Maxamuud Sayid Adan ayaa isagoo ku sugan magaalada baydhabo u waramey warbaahinta Koonfur Galbeed Soomaaliya waxaa uu kala dhig dhigey sida uu u socdo shirka maamul u dhameystirka koonfur galbeed somaliya wuxuuna sheegey in shirka si wanaagsan ku socdo.
Siyaasiga mar wax laga weydiiyey in ay dowlada raacsan tahay shirka ka socda baydhabo waxaa uu sheegey in ay ku qasban tahay in ay raacdo sababtoo ah waxaa uu yiri dowlada waa dowlad ku dhisan federaal gobolo iyo degmooyin inay wax isku darsadaan isuku raaceyna ma hor istaagi karto. Maamulka Jubba ee Axmed madoobe ku tilmaamey mid dibada laga soo dhoodhoobey oo aan rabitaanka dadka gobolada uu sheegtay lagu soo dhisin.