Muqdisho(INO)-Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta xukun gaaraya min 10 sano ku riday eedeeysanayaal lagu eedeeyay in ay yihiin burcad hubeysan oo dadka kunool Muqdisho dhac u geysan jiray.
Ragga ay Maanta Maxkamada xukunka ku riday ayaa lagu kala magacaabaa
1-Cabdi wali Ibrahim Cumar
2-Xaamud Muxudiin Cabdulle
3-C/casiis Cumar Maxamed
4-Muuse Xasan Jibriil
5-Xasan Kurtun calasow
6-Maxamed Daahir Cabdulle
Godoomiyaha Maxkamadda Darajadda Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Raggaasi ay dhac u geyteen muwaadiniin Soomaaliyeed , islamarkaana ay ka dhaceen lacag, gaari iyo sidoo kale Taleefano.