Muqdisho(INO)—Wakiilka Ergayga Gaar ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa warqado u kala diray dhamaan musharixiinta u tartameysa xilka madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkaan.
Qoraalka loo diray dhamaan musharixiinta oo mid ka mid ah IdaleNews.com heshay ayaa looga hadlayay doorashada Madaxweynaha ee dhowaan lagu wado inay dhowaan dhacdo
Warqada aan helnay oo uu ku saxiixan yahay wakiilka Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, waxaana lagu sheegay in haddii musharax madaxweyne uu kusoo baxaa si musuq maasuq ah aanan la aqoonsan doonin dowladdaasi.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in la doonayo madaxweyne soo celin kara sumcaddii Soomaalida, xiriirka caalamka iyo kalsoonida beesha caalamka.
Qoraalka kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxay ka dhigan tahay inay ka war hayaan dhaqaalaha iyo musuq maasuqa la doonayo in sanadkaan lagu soo doortaa hogaanka dalka afarta sano ee soo socoto.