Baydhabo(INO)- Maxkamada ciidamada Qalabka sida Qaybta Lixdanaad ee Gobolka Bay, ayaa saaka xukun dil ah waxa ay ku riday Askari ka tirsanaa ciidamada Xooga dalka Somaliya ee Gobolka Bay, kaasi oo horay u dilay ruux shacab ah.
Halkan Ka Dhageyso
Askarigaan ayaa waxaa ku cadaatay fal dambiyeedka dilka ah uu geystay, sida Saraakiisha maxkamada ay ka sheegeen Magaalada Baydhabo oo saaka xukunka lagula riday Askarigaasi.
Askariga la xukumay ayaa lagu waxaa lagu magacaabaa Ibraahin Cabdullaahi Aadan waxa uuna 24/04/2016 si bareer ah u dilay nin shacab ah oo lagu magacaabo Nuur Muqtaar Xussen xilli uu ku sugnaa degmada Buurhakabo ee gobolka Bay.
Ehelada marxuumka horay uu u dilay Askarigaasi ayaa soo dhaweeyay xukunka dilka ah ee lagu riday Askarigaasi ka tirsan ciidamada Xooga dalka Somaliya.
Ciidamada qaar ee Dowladda ka tirsan ayaa hubka ay wataan waxa ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah masuuliyada ay ka saaran tahay inuu Askariga ilaaliyo amnigooda.
Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Gobolka Bay, ayaa muddooyinkii dambe xukuno kala duwan ku rideysay Askar ka tirsan ciidamada Dowladda.