Xudur(INO)- Malaaq Aadam Maxamed Weerow oo ka mid ah waxgaradka Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa ku sheegey in Xildhibaanada Baarlamanka DFS iyo Wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Ku Sugan degmada Xudur ay tagayaan Degmada Ceelberde, waxana u sheegey in ciidii is hor istaagdo loo jawaabi doono.
Malaaqa ayaa waxa kale uu xusey in dulqaadii uu ka dhamaadey Shacabka iyo Waxgaradka Gobolka Bokool, waxana uu meesha ka saarey in aysan jirin wax maamul Ah oo ka dhisan degmada celberde, isla markaana hadii wax dhib ah la soo gaarsiyo Xidlhibaanada DFS iyo Wasiiro Koonfur Galbeed Soomaaliya ay ka jawaab celin doonaan.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Xudur



