Baydhabo(INO)-Malaaq Cali C/raxmaan Shiine Af-hayeenkii Odayaasha Dhaqanka Ee Maamulkii 6-da Koonfur Galbeed Soomaalia oo la Hadlay Warbaahinta Ayaa Waxaa Uu ka Hadlay Sababaha Uu Ugu Biiray Madaxweynihii Maamulkaasi Madoobe Nuunoow Maamulka Sharif Xasan Sh.Aadan Ee 3-da Gobol.
Waxaa Uu Sheegay in Sababta Ka Dambeysa ay tahay Ka Dib Markii Maamulka 6-da Gobol uu ku Fashilmay inuu Aqoonsi iyo taageeraba uu ka Helo Dowladda Soomaaliya iyo Beesha caalamkaba
Maruu Soo hadal-qaaday arinka la Xiriira Sheegashada Maxamuud Sayid aadan oo ku dhawaqay inuu yahay Madaxweynaha Maamulkii 6-da Gobol Ayuu Sheegay in arinkaa ay tahay riyo aan rumoobaynin
Dadka Daga Gobolada Koonfureed Ayuu Sheegay inay Maanta Wixii Ka Dambeeya Ay Leeyihiin Hal mowqif iyo hal maamul oo ah Konfur galbeed Soomaaliya Ee 3-da Gobol.
Hadalkaan Ayaa Waxaa Uu Ka Dambeeyey Ka Dib Markii Madoobe Nuunoow Uu Ku Biiray Maamulka Shariif Xasan Maxamuud Sayid Aadanna Uu Ku Dhawaaqay inuu Yahay Madaxweynaha Badalay Madoobe Nuunoow.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.



