Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa markii u horesay Shir gudoomiyaya Golahiisa Wasiiradda Dowlada KGS.
Kulankan ayaa lagu sheegay in uu yahay mid ay isku baranayaan Wasiirrada Cusub Ee Dowlada KGS uu ka koobanyahay iyo howllaha horyaalla.
Kulanka Goleha Wasiirada Maamul Goboleedka Koofur Galbeed ayaa intiisa badan diirada lagu saaray Amaanka Gobolada Baay,Bakool iyo Shabelleha Hoose iyo sidii Al-shabaab looga saari lahaa Qeybaha ay ka joogaan.
Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Maamulkaasi oo kulanka ka dib la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Kulanka intiisa badan uu ahaa Isbarasho Wasiirada Maamulkiisa iyo wax ka qabashada Amaanka Koofur Galbeed.
Shalay ayey ahayd markii Madaxweynhaya Maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Adan uu magacaabay Wasiirro ka dhimnaa maamulkiisa kuwaas oo uu sheegay in ay gaba gabo u yihiin Golahiisa Wasiirrada.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo