Muqdisho ( INO)-Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo maanta Warfidiyeenada kula hadlay Muqdisho ayaa baaq ka soo saaray Doorashooyinka dalka .
Waxaana ugu horreyn ka hadleen Doorashooyinka Guddoonka sare oo maalinta beri ah lagu wado in dalka ay ka dhacaan.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa uga digay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed in laaluush ay ku badashaan Diintooda iyo Damiirkooda.
Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa uga digay in ay doortaan dadka lagu yaqaanno Eexda, Cadaalad darrada iyo in ay lunsadaan Hantida umadda.
Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa kula taliyay Xildhibaanada gaar ahaan kuwa ku cusub Golaha Shacabka sanadkaan in ay dhowrtaan Sharafkooda.
“ Nin Laaluush qaatay waddan ma badbaadinayo , Nin laaluush bixiyayna Waddan ma badbaadinayo” ayuu yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalinimada Beri ah la filayaa in ay doortaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed.