Garoowe (INO) Wasiir ku-xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland,Cabdirixmaan Yuusuf Faarax (Dujaana) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu xilka iska casilay,kaddib shir saxaafadeed uu ku qabtay magaalada Garoowe.
Wuxuu ku sheegay wax-yaabaha uu isku casilay arrimo shaqsi ah iyo culeys dhanka beeshiisa,isagoo marka sheegay in beeshiisu ay cabasho ka muujisay wax-qaybsiga xildhibaannada labada Aqal ee dhawaan lugu doortay magaalada Garoowe.
“Halkan waxaan maanta ka sheegaya inan iska casilay xilka aan u hayay dowladda,sababo shaqsi ah,’”ayuu yiri Dujaana oo saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe.
Wasiir ku-xigeenka xilka iska casilay,wuxuu u mahadceliyay dowladda Puntland isagoo marka sheegay inuu ku faraxsan-yahay muddada uu soo shaqeynayay.
Waxaa kalo uu wasiirku sheegay inuu kasii shaqayn doono horumarka Puntland isagoona shacabka ugu baaqay inay ka shaqeeyaan horumarinta iyo midnimadooda.