Muqdisho (INO) Madaxweynaha dowladda Faderaalka ah ee Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay Soomaaliya in lugu lee’yahay deymo badan oo ay adkan doonto taageerro maaliyadeed oo ay caalamka ka hesho.
Madaxweynaha wuxuu sheegay lacagta lugu leeyahay Soomaaliya inay ka badan-tahay 5 bilyan oo dollarka Marekanka ah,taaso sabab u noqonaysa dalka inan lacago lasiin oo u waayo maalgalin.
Halkan Ka Dhageyso
“Soomaaliya waxaa lugu leeyahay lacago 5 bilyan oo dollar ka badan,waxaa adag in lacago kale ama maalgalin uu dalka helo,”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Wuxuu caddeeyay lacagaha inay kordhayaan haddii aan la bixin,isagoo inta ku darey in deymaha lugu gudi-karo kaliya marka la hagaajiyo hannaanka maaliyadeed ee dalka.
Madaxweynaha wuxuu tilmaamay haddii la aamino hannaanka maaliyadeed ee dalka inay imaaneyso Soomaaliya in la aamino oo siyar lugu bixiyo lacagaha deymaha ah ee dalka lugu leeyahay.
“Lacaga dalka lugu leeyahay hal-mar lama bixin karo,laakin haddii la aamino hannaanka maaliyadeed ee dalka,si yar ayaa lugu bixin kara,”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.
Xasan Sheekh,wuxuu sheegay dowladda uu hoggaamiyo inay dadaal badan ku bixisay dhismaha hay’adaha maaliyadda dalka oo u hadda ku sheegay si wanagsan inay ku shaqeynayaan.
Madaxweynaha hadalkan wuxuu sheegay isagoo xariga ka jarayay dhismaha wasaaradda maaliyadda oo dib loo dhisay.