Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Gaaray Magaalada Eldoret ee Dalka Kenya

0
230

Eldoret(INO)- Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray Magaalada Eldoret ee dalka Kenya halkaasi oo uu kaga qaybgalaayo Aas loo sameynaayo Askartii lagu laayay weerarkii Ceelcadde.

Xasan Sheekh Maxamuud, waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Eldoret ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Rutto.

Waxaa la filayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qaybgalo aas qaran oo loo sameynaayo Askarii lagu laayay Ceelcadde.

Madaxweynaha dalka Nigeria, ayaa isagana la filayaa inuu soo gaaro Magaalada Eldoret si uu dhankiisa aaska Askarta uga qaybgalo.

Madaxweynaha dalka Kenya iyo Kuxigeenkiisa ayaa ku sugan Magaalada Eldoret.

Xero ciidan oo ku taallo Magaalada gudaheeda ayaa lagu wadaa in aaska Qaran loogu sameeyo Askartii lagu laayay weerarkii Ceelcadde.

Hoos ka Dhageyso Codka:

Idale News Online, Edoret

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here