Baydhabo(INO)- Madaxweynaha Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh aadan ayaa ka hadlay sababta uu u taageerayo in baarlamaanka lagu soo xulo nidaamka 4.5 oo ay iminka Soomaaliya wax ku qeybsato.
Waxa uu sheegay in nidaamka 4.5 ay ka soo muuqan karaan dhamaan beelaha Soomaaliyeed isla markaana aysan jirin beel wax ku weyneyso.
Waxa uu sidoo kale sheegay in nidaamka 4.5 ay Soomaaliya baratay, iminkana aysan wanaagsaneyn in nidaam kale la baro.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in uu aad ugu qanacsan yahay in Soomaaliya ay iminka wax ku qeysato nidaamka 4.5 isla markaana aysan u baahneyn nidaamyo kale.
Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh aadan ayaa horay u shaaciyay in nidaamka 4.5 ay ku qanacsan yihiin beelaha dega Gobolada Bay, Bakool iyo Sh/Hoose.
Hoos ka Daawo
Idale News Online, Baydhabo