Muqdisho(INO)-Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa ciidamo uu tababar usoo xereyay la wadaagaan dhacdo xanuun badan isagoo waano u jeediyay ciidamadii shalay tababar loogu soo xiray jazeera.
Madaxweynaha ayaa sheegay in askariga looga baahan yahay marka hore inuu difaaco nafsadiisa, kadibna uu difaaco nafta dadka shacabka ah ee uu ilaalada ka hayo.
Wuxuu ciidamadii tababarka loosoo xiray la wadaagay dhacdo xanuun badneyd oo qabsaday ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya, kuwaasi oo iyaga oo hurdaya dhamaantood la wada dilay, sida uu sheegay.
Ciidamada ayaa sheegay in looga baahan yahay in askari kastaa uu feejignaan dheeri ah ku jiraa si uu kaga hortago weeraro kaga yimaada ururka Alshabaab.