Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh: ” Caqabad ayey ku yihiin qaar ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed Dowladnimada”

0
192

Muqdisho ( INO)-Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladdiisa ay heestaan caqabado badan oo kaga imaanaya qaar ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed.

Waxa uu xusay Xasan Sheekh Madaxweynaha Soomaaliya in dadka qaar aysan fahamsaneen Dowladnimada iyo wanaaga ay leedahay taas oo uu sheegay in ay keentay  in dad badan ay u muuqan weysay wax uu ku sheegay waxqabad ay ku tallaabsatay dowladdiisa.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaas raaciyay in arrimahaas oo dhan looga gudbi karo oo kaliya in qof weliba oo ka shaqeeyo horumarka dalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay horay u kacday kadib muddo 26 sano oo bur bur ay daashadeen.

“ dadka Soomaaliyeed ha iska daayaan Nin Jecleysi balse ay ka eegaan dhanka san, waana midda naga reebtay asaageen Nin Jecleysiga” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo beegmaya iyadoo inta badan qeybaha Bulshada Soomaaliyeed ku eedeeyaan dowladda uu majaraha u hayo Madaxweynuhu mudada ay jirtay ay ku fashilantay xagga dhaqaalaha iyo Amniga.