Dhageyso Madaxweyne Xasan “Saraakiisha aan jidgooyada wax ka qaban karin shaqada ha ka tageen”

0
176

Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatay saraakiisha ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa wuxuu ka hadlay arimo badan oo ay ka mid ahaayeen dhandhanka ciidamada iyo waliba isbaarrooyinka.

[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/07/DHAGEYSO-MADAXWEYNAHA-SOOMAALIYA.mp3]

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay askarii dhigtaa jidgooyo asaga iyo waliba sargaalka uu hoostago in maxkamad lasoo taagi doono, sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay sargaakii aanan waxba ka qaban karin isbaarooyinka in loo baahanyahay in uu shaqada isaga tago.

presidentXasanVillaBaidoa

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale sheegay in loo baahanyahay in shacabka la kasbado sida lagu kasban karana ay tahay in aanan la dhibaatayn.

Dowlada Soomaaliya ayaa ku guuleesatay inay qaado isbaarooyin badan oo yiilay degmooyinka kala duwan ee gobalka Banaadir.

Idale News Online, Mogadishu, Somalia