Dhageyso Madaxweyne Xasan oo sheegay in dowladu xayeysiineyso Xilalka Xisaabiyaha Guud iyo Hanti dhowrka Guud Ee Qaranka

0
175

Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane  Xasan Sheekh Maxamuud oo marti u ahaa kulanka todobaadka ee Teleefisionka Qaranka Soomaaliyeed oo uu kaga hadlaayey waxqabadka dowladiisa mudadii sanadka ahaa ee jirtay, waxa u qabsoomey iyo waxa aan u qabsoomin, sidoo kalena dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibadiisa ku nool ay su’aalo ku weydiinaayeen ayaa isagoo ka hadlaayo la dagaalanka musuqmaasuqa tilmaamey in dowladiisa aysan dulqaad u hayn in la xado ama lagu takri falo hantida qaranka Soomaaliyeed, sidaas darteedna ay ku howlan tahay  dhismaha hay’adihii la dagaalka musuqmaasuqa iyo dib u qaabeynta maaliyada dalka iyo kaabayashii dhaqaalada si loola dagaalamo boobka hantida dalka, loona helo record fiican oo lagula xisaabtami karo institutions dowlada kuwaasoo madaxweynuhu sheegay in ay ka qeyb tahay dib u qaabeysta dowlada ee xafiisyada maaliyada iyo kaabayaasaha dhaqaalaha dalka.

Waxuu madaxweynuhu sheegay in boosaska Xisaabayaha Guud ee Dowlada iyo Hantidhowrka Guud ee Qaranka lagu xayeysiiyey website Soomaalida si loo helo dad Soomaaliyeed xilkaasi u leh karti iyo aqoon lagula dagaalamada dhaca xoolaha dowlada isla markaasna aan lagu soo xulin nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 taasoo uu sheegay Madaxweynuhu in dastuurka KMG aysan ku qorneyn in lagu saleeyo magacaabistaas si kmg ah iyo si ramsi ahba.

Dhageyso Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrimahaas iyo qabyaalada ka  hadlaaya [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/08/xissabiyahaGuud.mp3]

Daawo Wareysiga Madaxweynaha oo dhameystiran:

madaxweyneXasanSheikh

Idale News Online