[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/01/golahacusub.mp3|autostart=yes]
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo mar la weydiiyey su’aal ku saabnayd waxa golaha cusub ee la soo dhisi doono ay kaga bedelnaan doonaan xukuumadii la eryay ee uu madaxda ka ahaa Saacid Shirdoon ayaa waxuu madaxweynuhu yiri:
“Hadii xukuumadii hore la soo celinaayo iyo siday u tiilay tii horeba waa la iska haysan lahaa, marka midnaan la soo dhisaayo waa in ay noqontaa mid ka duwan tii hore dhinac walba, hadey noqon laheyd xaga tayada, xaga tirada iyo xaga tashiga oo dadka soomaalida mid isu soo dhaweynaysa oo ka wada muuqdaana noqotaa waxna soo qabaneysa”
Madaxweynaha ayaan sida loo soo xulaayo ku sheeagay in ay tahay waajibaadka ra’iisul wasaaraha, waxuuna sheegay inuu karti u leeyahay soo xulista waajibaadka kaga aadan arrimahaas