Dhageyso: Madaxweyne Xasan Oo Faahfaahin Ka Bixiyay Waxyaabihii ay Ka Wada Hadleen John Kerry

0
221

Muqdisho(INO)-Sidii aad la socoteenba waxaa magaalada Muqdisho booqasho aan lasii shaacin ku tegay  Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka John Kerry, wuxuu la kulmay Madaxda dowladda Soomaaliya, madaxda maamul goboleedyada iyo xubno ka socday bulshada rayidka Soomaaliyeed.

hasan-sh

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa kulankaas kaddib wuxuu warbaahinta uga warbixiyay waxyaabihii ay ka wada hadleen Xoghaye John Kerry, wuxuuna sheegay in booqashada uu Kerry ku tegay Somalia ay muujineyso sida ay dowladda Mareykanka uga go’an tahay taageerada dowladda Soomaaliya.

Dhanka kalena, Madaxweynaha ayaa shirkiisa Jaraa’id uga hadlay warar soo baxayay oo sheegayay in ay Soomaaliya dib ugu noqotay 2011, maadaama ay dib u soo noqotay hadal-heynta saxiixayaasha, wuxuuna sheegay in aysan jirin wax ay wada saxiixdeen isaga iyo madaxda maamul goboleedyada dalka.

Halkan Ka Dhageyso RADIO IDALE

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here