Afgooye(INO)-Waxaa Maanta Lagu Dhawaaqey Maamulka Cusub Ee Degmooyinka Afgooye iyo MarkaCadey Ee Gobolka Shabellaha Hoose, Iyadoona Xafladaasi Uu Joogey Madaxweynaha Dowladda KG Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan, Wasiiro Ka Tirsan Dowladiisa, Xubno Ka Socodey Dowlada Dhexe Ee Federalka Ee Soomaaliya, Saraakiisha Ciidanka KGS Ee Gobolka Shabellaha Hoose Iyo Odayaasha Dhaqanka Gobolkaasi.
Madaxweynah Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa Khudbad Dhiira-galin Iyo Dar-daaran ah u jeediyey Maamulada Cusub ee Degmooyinka Afgooye Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Madaxweynaha Ayaa ku amrey maamulada Cusub In aysan Bixin karin dhul mudo bilood ah, Waxa uu carabka ku dhaftey in lix Bilood ka dib ay dhici doonto Doorasho Xur Iyo Xaalal ah oo Shacabka ay dooran doonaan Maamulada Degmooyinka Gobolka.
Halkan Ka Dhgeyso.
Idale News Online, Afgooye