Dhageyso: Madaxweyne Cosoble oo oo ka hadlay Kulankii uu la qaatay Ugaas Xasan & Waxa uu kala kulmay

0
185

Baledweyne(INO)- Kadib kulankii maanta Magaalada Baledweyne ku dhexmaray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo Madaxweynaha Maamul Goboledka Cusub ee Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosbole ayaa Kulankaasi Saxaafada uga warbixiyey wixii ka soo baxay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Madaxweyne Cali Cabdillahi Cosoble oo shir jaraa’id ku qabtay Baledweyne ayaa shegay in kulankii uu la qaatay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif uu ku soo dhamaaday is afgarad isla markaana guul laga gaaray kulanka.

Waxa maanta Magaalada Baledweyne kula kulmay Ugaas Xasan runtii waxbadan ayaa ka wada hadalnay oo ku saabsan arinta Maamulka Hirshabeelle marka ugaaska ma diidana Hirashbeelle balse waxa uu doonayaa in dadka reer hiiraan ay helaan xaqooda waxana ugu dambeyn igu yiri wax qabad muuqda ayaa kaa sugeynaa’’ Sidaasi waxa yiri Madaxweynaha Hirshabeelle.

Inkasto Madaxweynaha Hirshabeelle uu warbaahinta u shegay in kulanka uu la qaatay ugaas xasan isku fahmen hadana majiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Ugaaska ee ku aadan kulankii dhexmaray isaga iyo madaxweynaha Hirshabeelle.