DHAGEYSO: Madaxweynaha ” Mas’uuliyiin ka tirsan Bankiga Dhexe ayaa la xiray”

0
178

Muqdisho(INO)Iyadoo dhawaan gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali uu shaaciyay in Bankiga Dhexe laga xaday lacag dhan Shan boqol iyo Soddon oo dollar  ayaa arintaasi waxaa ka hadlay Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay u xirtay Mas’uuliyiin ka tirsan Bankiga Dhexe lacagtii dhawaan laga xaday Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Bankiga Dhexe loo geystay Xatooyo , laakiin uusan ka jirin Bankiga Musuq Maasuq .

Waxa uu sheegay in raggii lacagta ka xaday Bankiga dhexe aysan wali dowladda Soomaaliya gacanta kusoo dhigin ,laakiin ay ku daba joogto.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Xasan in baaritaano ay wadaan Hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)