Baydhabo(INO)- Shariif xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ,wasiiro,xildhibaano,taliyaasha Ciidamada AMISOM iyo kuwada DFS,Madaxda maamulada gobalka iyo Degmada ayaa ka qeyb galey munaasabad xariga looga jareyey xarun cusub oo loo dhisey ciidamada booliiska gaarka ah ee Koonfur galbeed Soomaaliya.
Xaruntan cusub ee loogu talagaley iney xafiis u noqoto taliyaasha ciidamada booliiska gaarka ah ayaa waxaa ay heyd mid dhismo uu ku socdey balse dhowaan lasoo gaba gabeeyey.
Waxaana Ahmiyada ay u leedahay ciidamada ka Hadley wasiirka hubka dhigits dhaqan Celinta iyo tababarida maleeshiyadka Xasan Xuseen Eelaay iyo Taliye ku xigeenka ciidamada Booliiska gaarka ah Ee koonfur galbeed Maxamed isxaaq caracase.d
Madaxweynaha dowlada koonfur Galbeed Shariif xasan sheikh Aadan ayaa sheegay in xaruntan cusub ee booliiska loogu talagaley lagu kordhin doono xarun caafimaad iyo qeyb kale oo waxbarasho oo ciidanka u gaarka ah Isla markaana Wuxu u mahadceliyey Ciidamada Dowlada Itoobiya Ee AMISOM.