Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowladda KG Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan Ayaa Maanta waxa uu Xafiiskiisa ku Qaabilay Ururka Suxufiyiinta KG Soomaaliya.
Madaxweynaha Shariif Xasan Sheekh Ayaa Waxaa Uu Saxaafada Uu Ka Dalbadey In Ay La Shaqeeyaan Dowladda KG Soomaaliya Dhankood saxaafada Waxaa Ay Balan Qaadeen In Ay La Shaqeyn Doonaa Dowladda KG ee Fadhigiisa baydhabo yahay.
Suxufiyeenka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa iyaguna halkaas ku soo gudbiyey Cabashadooda, isla markaana waxa kulankaasi Joogey Wasiirka War faafinta iyo Waciygalinta Bulshadda ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed.
Afhayeenka Dowladda KG Cabduqaadir Nadaara oo Kulankaasi Ka Warbixiyey ” Madaxweynaha KG Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh, Waxa uu maanta Kulan Ballaraan la qaatey, Dhamaan Saxafiyiinta ku Sugan Baydhabo wakiilada TV-yada iyo Idaacadaha, madaxweynaha Waxa uu ka mahadceliyey, Kaalintii ay ka qaadateen, Suxufiyiinta Dhismaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, waana kulunkii ugu horeeyey uu la yeesho wariyaasha tan iyo markii ay dhisantay Dowladda KGS,, Wuxu u mahadceliyey Wariyaasha, Mikiiliyaasha TV-yada iyo Idaacadda Meel kasta oo ay Joogaan Kaalintii ay ka qaateen Nabad galiyada KGS, Madaxweyne Shariif, waxa uu ka tacsiyey, Dilalkii loo geystey Wariyaasha Ka hawlgal Degaanada KGS, waxaan uu Alle ugu bariyey inuu geeyo Janadiisa Fardoosa, madaxweynaha waxa uu balanqaadey in Hay’adaha amaanka ay daba-Gali doonaan kuwii falkaasi geystey, isla markaana cadaalada la horkeeni doono” ayuu yiri afhaayeenk Dowlada KGS C/qaadir Cashar Nadaara.
Halka Ka Dhageyso.
Maxamed Aadan Maxamed, Idale News Online, Baydhabo