Daawo: War Murtiyeed Ka Soo Baxay Wada Hadalkii U Dhaxeeyey Dowlada Federaalka Somalia iyo Maamulka KMG ee Jubba

0
257

Kismaayo(INO)-Iyadoo shaley wafdi uu hogaaminaayo R/wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid ay gaareen Magaalada Kismaayo oo xarunta kmg u ah maamulka  kmg ee Jubba ayaa waxaa wada hadalo qaatey muddo gaaban ka dib la isku afgartay heshiis hordhac ah oo labada dhinac ka gaareen arrimo u badan dhinacyada maamulka, siyaasada iyo dhaqaalaha.

bekoos

War murtiyeedkaasi oo dhinacyadu ay sheegeen in la isku afgartey ayaa waxaa saxaafada u akhriyey Wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta dowlada federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdi Xasan “Beekoos”.

Lama oga talaabada barlamaanka Soomaaliya ee war-murtiyeedkaan ay xukuumada Cumar C/rashiid la gaartay maamulka Jubba in ay aqbali doonaan iyo in kale. Waxaanse muuqata in ay weli taagan tahay is-mariwaagii dhinaca awood qeybsiga maamulkaasi. Qaar ka mid ah xildhibaanadii keenay mooshinka looga soo horjeedo dhismaha barlamaanka Jubba oo ay saxaafada gudaha dalka la hadley ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan cod u qaadis mooshinkaasimarka ugu horeysa ee la helo kooran dhameystiran oo codeyn lagu qaadi karo.


Idale News Online, Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here