Madaxweynaha Dalka Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay xarig maalmo ka hor Nairobi loogu geystay Qunsulka Safaarada Somaiya ee dalka Kenya.
Isagoo la hadlayey Madaxweynaha Warbaahinta Dawlada ayuu sheegay inay ka xun yihiin falkii lagu xiray Qunsulka islamarkaana arintaasi ay sababi karto in xiriirka labada dawladood uu saameeyo.
Xasan Shiikh Maxamuud ayaa hadalkiisa sii raaciyey inay uyeereen Safiirka Somaliya ujooga Kenya Maxamed Cali (Ameeriko) iyo Qunsulka la xiray Siyaad Maxamuud Shire isagoona sheegay inay kala hadli doonaan sida ay wax udhaceen.
Madaxweynaha ayaa tibaaxay inay wadatashi ay ka yeelan doonaan arintaasi kadib ay warqad udiri doonaan dawlada Kenya taasi oo lagu saleyn doono waxa laga yeelayo xariga Xad gudubka ah ee Qunsulka Safaarada Somaliya ee Kenya loogu geystay dhawaan Nairobi.
Idale News Online.