Baydhabo(INO)-Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aaden iyo Ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya ahna Gudoomiyaha Gollaha Shacabka Soomaaliyeed Proff. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Ayaa ka Wada Hadley Arinta Xamaasadda Dhalisey Ee Xuduudda Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ay la wadaagto Gobolka Banaadir.
Afhayeenka Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane C/qaadir Nadaara oo Warbaahita Ku hadley Baydhabo ayaa Sheegey in Madaxweyne Shariif Xasan Iyo Gudoomiye Jawaari Ay wada Yeesheen Shir Albaabada U Xirnaa Kaasoo ay ugu wada Hadleen, Khilaafka iyo Is afgaran waaga, Soo kala Dhex Galey Dowladda KG Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, Taasoo ka dambeysey, Ka Dib markii Maleeshiyo beeleed uu soo abaabuley Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Ay weerareen Degaanka Jazeera, Ee Gobolka Shabellaha Hoose, halkaasoo uu ku sugnaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Ee KGS isla markaana , Ay burburiyeen, Tabeelo uu wasiirka Halkaasi Ku Surey, iyo Sidoo kale Waxay Siibeen Calanka Qaranka Dowladda KGS soomaaliya.
Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan ayaa Sheegey in Dhulka Dowladiisa ay tahay mid lama taabtaan ah isla markaana, aan Gorgortan Kala Geleyn, Maamaulka Gobolka Banaadir taako ka mid ah.
Halkan Ka Dhgeyso.
” Ka dib markii ay soo baxeen warar Sheegaya In xad gudubyo ay u geysteen, Ciidamada Nabad sugida Soomaaliya wasiirka Ganacsiga iyo Warshada Ee Dowladda KGS C/laahi Sheekh Xasan, waxa madaxweynaha Dowladda KGS kulun albaabada u xiran la yeeshey Ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya Ahna, Afhayeenka Baarlamanka Soomaaliya Proff. Jawaari, waxaana mdaxweynaha Dowladda KGS uu u sheegey in marnaba ogolaaneynin In Dowladda KGS xad gudub lagu sameeyo Xuduudeeda, Afhayeenkan aWarqad ayuu ka soo saareey arintaasi” ayuu yir C/qaadir Nadaaraa.
Dhan kale Dicreeto ay ku wada saxiixan yihiin Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar iyo Gudoomiye kuxigeen labaad ee baarlamaanka Mahad Cabdale Cawad ayaa Soo baxdey Maalintaasi taasoo Maamulka Gobolka Banaadir Aaney Raaci Karin Maamul Goboleedyadda Dalka isla markana Magaalada Muqdisho ay leedahay Miiqaam kale.
Ugu dambeyntii, Dhawaan ayey ahayd ka dib markii Maleeshooyin uu soo abaabuley Gudoomiye Muungaab ay Weerar ku soo qaadeen Xuudada kala Qiibisa Dowladda KGS iyo Gobolka Banaadir isla markaana waxay burburiyeen Boorkii iyo Calankii Dowladda KGS halkaasi ay Ka Taagdey, iyagoona Hamigoodu ahaa in Muqdisho lagu daro Shabellaha dhexe Iyo Hiiraan oo abaabulkooda hada Socodo.
Idale News Online, Baydhabo