Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Shabelle State Muxidiin Xasan Afrax oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu faah faahin ka bixiyay dagaalka ka socda gobolka Shabeelada hoose gaar ahaan magaalada Marka ee xarunta gobolkaasi.
Halkan Ka Dhageyso.
[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/20759.mp3|autostart=yes]
Ugu horeyn madaxweyne Ku-xigeenka maamulka Shabelle State ayaa ka hadlay qaabka uu ku bilowday dagaalka,isagoona sheegay in dagaalka uu ku bilowday Ciidamo qaab beeleed isku soo abaabulay kuwaasoo tilmaamay inay qas iyo fowdo ay ka wadaan deegaanada Shabeelada hoose.
Wuxuu hoosta ka xariiqay in Ciidamadaan qaabka beeleed u abaabulan ay doodanayaan inay gobolka geliyaan fowdo iyo dhibaato laga soo gudbay,wuxuuna cambaareeyay dagaalka socda.
Muxidiin Xasan Afrax,madaxweyne ku-xigeenka maamulka Shabelle State ayaa ku eedeeyay gudoomiyaha degmada Marka inuu xiriir la leeyahay ururka Al-shabaab,isagoona Wasaarada arimaha gudaha Xukuumada Soomaaliya ugu baaqay in arintaasi daba gal ku sameyso.
Ugu danbeyntii madaxweyne ku xigeenka maamulka Shabelle State ayaa ugu baaqay dhinayada dagaalamaya inay xaliyaan khilaafaadka ka dhex aloosan,islamarkaana joojiyaan dhiigooda iyo dhiiga Shacabka daadanaya.
Idale News Online, Afgooye. Nagala Soo Xariir Email: Idalenewsonline@gmail.com