Ceelberde(INO)- Maamulka Bakool sare ayaa Degmada Ceelberde Ee Gobolka Bakool Maanlintii Shaley Ku Xirey Ugaas Cabadi Ugaas Dhucal Ugaas Maxamuud Ugaas Faarax Oo Ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Degaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Dhisey Dowlada KGS isla markaana ka mid ahaa Ergadii loo direy Degamadas, isaganoo shaley ka tagey Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool.
Xildhibaan Dhaqan Taqale Yarow oo ka mid ah Baarlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka soojeeda Degmada Ceelberde oo Wareysi gaar ah Siyey Warbaahinta Idale News Online ayaa Xaqiijyey Xariga Ugaas Cabdi, isla markaana waxa uu sheegey in xarigiiisu uu ka dambeeyo Axmed Mashruuc oo ku magacaawan Madaxweynaha Maamulka Bakool Sare isla markaana waxa uu xusey in Ninkaas uu halkaas ka abuurey Jabhad la dirirta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga
Idale News Online, Ceelberde