Dhageyso: Israel oo raaligelin ka bixisay hadal ka fakaday diblumaasi

0
178

London(INO)- Safiirka Israa’iil u fadhiya magaalada London ayaa raali gelin bixiyay kaddib markii la duubay xubin ka mid ah howlwadeenadiisa oo leh waxaan jeclaan lahaa inaan meesha ka saaro ama sumcadda ka dilo qaar ka mid ah xildhibaanada Britain, oo uu ka mid yahay Alan Duncan oo ah wasiir haya xil arrimo dibadeed.

Muuqaalkan oo loo duubay taleefishinka Al-Jazeera ayaa siyaasigan la yirahdo Shai Masot, waxa uu sheegay in Alan Duncan uu sababay dhibaatooyin badan.

Waxaa sidoo kale uu ku tilmaamay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Boris Johnson, qof doqon ah.

Siyaasigan Alan Duncan ayaa aad u dhaliila siyaasadda Israa’iil, isagoona taageera qadiyadda Falastiin.

Crispin Blunt, oo ah guddoomiyaha guddiga barlamaanka Britain u qaabilsan arrimaha dibadda ayaa talaabadani ku tilmaamay mid ceeb ah, una baahan in baaritaan dheeraad ah lagu sameeyo.

Safiirka Israa’iil ee Britain ,Mr Mark Regev, waxaa uu sheegay in hadalkaasi aannu aheyn mid ka turjumaya aragtida dowladda Israa’iil.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in hadalkan uu ka soo yeeray qof aan sidaasi u khibrad badneyn, oo an xitaa ka tirsaneyn diblomaasiyiinta Israa’iil, waxaana uu intaa ku daray in halkaasi ay ku egtahay howlihii shaqo ee uu ninkaasi u hayay safaaradda.