Dhageyso: Immisa ayaa Ka Dhiman Xildhibaanada Aqalka Sare Somaliland

0
203

Muqdisho(INO)– Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Cumar Cabdulle Maxamed ayaa sheegay in dhawaan lasoo gabagabeyn doono doorashada dhammaan xubnaha Baarlamaanka ee ka imaanaya gobolada Waqooyi ee dalka .

Gudoomiye Cumar Dhagey ayaa sheegay in guul laga gaaray doorashooyinkii Baarlamaanka ee ka dhacay Qaar ka mid ah maamul goboleedyada ka jira dalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ku raja weyn yihiin in ka hor doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka  lasoo dhameystiri doono xildhibaanada  Aqalka Sare gobolada Waqooyi.

Doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi ee  Aqalka Sare ayaa shalay ka bilaabatay Magaalada Muqdisho , waxaana shalay la doortay 6 kursi.

Sidoo kale marka la eego tirada Aqalka Sare ee la siiyay Soomaliland waxaan ka dhiman oo keliya 5 xubnood.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa u diyaar garoobaya Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo lagu wado in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo 11-ka ilaa 12-ka Bishan.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho