Dhageyso: Ibrahim Yarow “Shabaab Hadii Aan Xureyn Weyno Garaadada Ayaa Iska Dhegeyna”

0
240

Baydhabo(INO)-Taliska ciidamada dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ee gobalada Baay, Bakool iyo Gedo ayaa ku dhawaaqay in ay qaadi doonaan howlgalo culus oo looga soo horjeedo Xarakada Shabaab ee Soomaaliya, kuwaas oo maalmihii udambeeyey weeraro ku qadayay saldhigyada ciidamada dawladda Soomaaliya.

yarow

Taliyaha ciidamada dawladda ee qeybta 60aad Jeneraal Ibraahim Yarow oo manta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay dhawaan bilaabi doonaan howlgalkan, isla markaasna ay si dhaw ula socdaan dhaqdhaqaaqyada kooxda Shabaab.

Jeneraal Ibraahim Yarow ayaa sheegay in ay diyaar yihiin ciidamadii ka qeybgali lahaa howlgalkan, isla markaasna ay badankiisa ay ku wajahayaan deegaanada ay hada gacanta ku hayaan Xarakada Shabaab.

Ciidamada dawladda Soomaaliya oo manta xusaya 55 sanno guuradii ka soo wareegtay markii la dhisay ciidamada Difaaca Soomaaliyeed 12 April 1960-kii ayaa sheegay in ay diyaar uyihiin sidii ay Soomaaliya uga saari lahaayeen kooxaha ku soo duulay.

Halkaan Hoose Ka Dhageyso.

Idale News Online,  Xafiiska Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here