Baydhabo (INO)-Munaasabad balaaran oo lagu xuseyey 55 sanno guurada ka soo wareegtay asaaskii ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa manta lagu qabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.
Xuskan oo ay ka qeybgaleen Wasiiro Ka Tirsan KGS iyo ciidamada kala duwan ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya , gaar ahaana ciidamada Daraawiishta ayaa lagu soo bandhigay Taariikhda ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen.
Taliyaha guud ee ciidamada Dowlada Soomaaliya Ee Qeybta 60aad Ee Gobolada Bay, Bakool iyo Gedo, General Ibraahim Yarow, ayaa hambalyo ku aadan maalinkan udiray guud ahaanba ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna sheegay in looga baahan yahay sugida amaanka Qaranka Soomaaliya.
Taliyaha ciidamada ayaa sheegay in ay Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya diyaar utahay in ay saacad kasta utaagnaadan sidii dalka looga difaaci lahaa kooxaha ku soo duulay, oo ula jeeday dhinaca Shabaab, wuxuuna sheegay in ay ciidamadooda sannadyadii udambeeyey ku jireen dagaal adag oo ay kaligood ku ahaayeen.
Madaxda dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sidaas oo kale hambalyo udiray ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed, waxa ayna balan qadeen in ay ciidamadu heli doonaan dhamaanba waxyaabaha ay uga baahan yihiin dawladda Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Daawo Sawiradda.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo