Muqdisho(INO)– Hay’adda Culimadda Somaliyed ayaa si cad uga soo horjeesatay Qoondada Haweenka ay ka doonayaan inay ka helaan Dowladda cusub ee la filaayo in Somaliya ay ka dhalato, taasi oo ah 30% in Kuraasta Dowladda laga siiyo haweenka.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimadda Somaliyed oo maanta Saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay hadii ay yihiin culimadda Somaliyed inay ka soo horjeedaan arintaasi.
Sababaha ay uga soo horjeedaan ayaa wuxuu ku sifeeyay Sheekh Bashiir inay tahay in Diinta aysan u baneynin Haweenka inay xilal siyaasadeed qabtaan.
“Culimada Waxa ay umadda uga digayaan Barnaamijka Kootada Haweenka waayo waa qorshe ay gaaladu wadato, hor dhacna u ah Dhaqaln rogga Bulshada iyo Bur burinta Qoyska.” Ayuu yiri Sheekh Bashiir.
Hadalkiisa intaasi wuxuu ku daray Qoondada Haweenka ee Siyaasada inay inay carqalad ku tahay Doorasho xalaal ah oo Somaliya ka dhacda.
“Kootada Dumarka waxay carqalad ku tahay in la helo Doorasho Xalaal ah waxayna qofka ka xayuubinaysaa Xorriyada codkiisa waana jajuub iyo ara-kutaaglayn qaawan.” Ayuu yiri Sheekh Bashiir.
Ugu dambeyn Sheekh Bashiir ayaa ugu baaqay Madaxda Dowladda Federalka Somaliya inay ka dhabeeyaan ilaalinta Diinta Islaamka.
“Waxaan soo jeedinaynaa Madaxda dalka inay ka run sheegaan ilaalinta Diinta iyo dalka ay u dhaarteen oo aysan qayb ka noqon qorshahaas lagu hagardaameynaayo Umaddooda.”
Ugu dambeyntii,Hadalka ka soo yeeray Culimadda Somaliyed, ayaa ku soo aadaya, iyadoo haweenka muddooyinkii dambe loolan adag ay ugu jireen sidii ay ku heli lahaayeen Qoondada ah 30%.
Halkan Ka Dhageyso