Xudur(INO)-Degmada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool waxaa la gaarsiiyay Raashin Gargaar ah oo loo qeybiyay Qoysas ku Nool halkaasi.
Degmadaasi waxaa ay ka mid tahay Degmooyinka ay Go’doomiyeen Al-shabaab ee tan iyo markii ay tageen Ciidamada Dawladda aysan helin wax Badeeco Ganacsi ah oo gaaray halkaasi kadib markii ay Al-shabaab ka xireen Waddooyinkii soo galayay Degmadaasi.
Guddoomiyaha Degmada Xuddur ee Xarunta Gobolka Bakool Max’ed Macallin Axmed oo Wareysi siiyay Warbaahinyta ayaa ka warbixiyay Raashinka la qeybiyay iyo Dadka la siiyay.
Dadka Raashinka la gaarsiiyay ayaa tiradoodu gaareysaa 1,300 Qoys ayaa ka Mahad celiyay waxaana ay sheegeen in uu Raashinkan ku soo aaday Xilli ay aad ugu baahnaayeen.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Xudur, Bakool