Marko(INO)- Gudoomiyaha Magaalada Marka Xasan Cumarey Macallin Ayaa Ka Waramay xasuuqa Ciidamada Amisom ay ka geysteen meel ku dhow deegaanka Ceelwareegow Ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Xasan Cumarey ayaa marka hore ka tacsiyadeeyey dadkii Ciidamada AMISOM sida arxan darada ah ay u dileen, waxaana uu qirey in AMISOM ay aheyn markii ugu horeysay oo ay dhibaateeyaan dad shacab ah, isagoo hadalkiisa intaa kusii daray in dhowr jeer oo hore ay dacwado ka gudbiyeen Amisom oo aanay jirin cid kasoo jawaabtay.