Dhageyso: Gudoomiyaha Goof Gaduud Oo Ka Hadley Dhibaatooyin Haysta Dadka Degaankaas

0
184

Goof-Gaduud(INO)- Gudoomiyaha Degaanka Goof gaduud Shabellow Ee Gobolka Bay Xuseen Wardheere ayaa sheegey in dadkii Degaanaa shaley gebi ahaan ay ka carareen Degaankaas ka dib markii Ciidamada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Al shabaab ay ku dhex dagaalamayeen Saacado badan.

Xuseen wardheere , Gudoomiyaha Goof gaduud ayaa dalbadey in dadka ku harsan degaankaas lala soo gaaro Gargaar deg deg ah, isla markaana waxa uu xusey in xilligan ay jiraan biyo la’aan ayna dagaalkaas ka firxadeen boqolaal Haween iyo Caruur ay isgu jiraan.

Halkan Ka Dhageyso