Dhageyso Gudoomiyaha Golaha Guurtida oo ka warbixiyey arrimo badan oo ay ka mid tahay booqashii wasiirada & Shirka Hotel Bakiin

0
204

Gudoomiyaha Golaha Guurtida dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Malaaq Xasan Shure Max’ud ayaa waxba kama jiraan ku sheegay shirka hotel Bakiin isla markaasna ku tilmaaey mid la buunbuuniyey oo aan laheyn culeys wax caqabad ahna haba yaraatee ku keeni karin habsami u socodka shirka maamul u sameynta lixda gobol ee Koonfureed ee Soomaaliya. Malaaq Shure ayaa shirka hotel bakiin ku sheegay in ay fadhiyaan tiro aad u yar oo shacab ah oo aan wax taageero ah ka haysan dadka ay matalaan hase ahaatee sheegay in shirkaasi yahay mid uu ka dambeeyo Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hantidiii ka badatay ku quudinaaya dad aan masuuliyad u hayn shacabka balse kaliya raba inay marin habaabiyaan beesha caalamka Waa sida uu hadalka u yiriye.

Dhanka kale Malaaq Xasan Shure ayaa kulan ay la yeesheen wafdi uu hogaaminaayey wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka C/hi Goodax Barre sheegay inuu ku dhamaadey guul. Wafdiga ayaa magaalada Baydhabo u yimid xog-uruurin ku aadan shirka xarunta ADC ee magaalada waxayna kulan saacado qaatey la yeesheen golaha guurtida iyo siyaasiyiinta shirkaasi ku sugan. waxuuna Malaaq Shure sheegay in wafdiga dowlada ay ku wargeliyeen la dagaalanka shabaab iyo dhameystirka maamulka ay isku dhinac wadaayaan oo aan la hakin doonin shirka.
Baydhabo1

Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa ku nuuxnuuxsadey in ay ergada shirka ka go’an tahay in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhameystiro dowlad goboleedka, maalinta sabtida soo socota la guda gali doono nidaamkii doorashada madaxda sare ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Wafdiga Wasiirk Arrimaah Gudaha & Federaaka ee gaarey degmada Baydhabo oo safar hal maalin oo kaliya  ku tagey halkaasi ayaa dib ugu laabtey magaalada Muqdisho, ma jirto ilaa iyo hadda war ay ka soo saareen safarkooda magaalada Baydhabo iyo waxa ay kala soo kulmeen odayaasha iyo bulshadii ay la kulmeen.

Idale News Online, Baydhaba