Afgooye(INO)-Maamulka Degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose ayaa Sheegtey in Ciidamada Jooga degmadaas ay dhibaateyDadka Shacabka ah isla markaana ay u dhigtaan Isbaarooyinka.
Gudoomiyaha degmada Afgooye C/qani Yuusuf Axmed ayaa sheegay Idale News Online in dadka ku safra inta u dhaxaysa Wanleweyne iyo Afgooye ay dhibaato ku qabaan dad ku labisan dareysaka ciidamada dawladda kuwaas oo u geysta dadka shacabka ah dhac iyo boob.
Guddoomiyaha ayaa ka codsaday laamaha amaanka iyo Wasaaradda Arimaha Gudah Koonfur Galbeed Soomaaliya in ay ka gacan siiyaan sidii looga ciribtirilahaa wadada u dhexeysa wanleweyn iyo Afgooye burcadaasi dhibaatada ku haysa bulshada .
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa Ku Eedayey Taliyaha Saldhiga Degmada Afgooye inuu ka dambeeyo falalka amaan daro ah ee ka jirto degmadaas iyo dhibtaaada lagu haayo Shacabka.
Waxa kale uu xusey in Degmada ay iska joogaan Maleeshiyo beeleedyo kuwaaaso dhac iyo Handaad u geysta Shacabka Magaalada, isla markaana waxa uu sheegey in 10% ay askar nadiif ah ay yihiin kuwo jooga Magaalada.
Hadalka gudoomiaha ayaa ku soo aaday iyadoo meela fara badan oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose ay yaalaan Isbaarooyin kuwaaso lagu dhibaateynayo shacabka Gobolkaas.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Afgooye