Muqdisho(INO)- Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Maamulka gobolka Banaadir uu amniga Muqdisho kula Xisaabtamayo guddi heer degmo oo shalay uu Magacaabay gudoomiyaha gobolka Banaadir.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in guddigaasi laga doonayo in ay xaqiijiyaan amaanka guud ee Caasimada Muqdisho.
Waxa uu sidoo kale sheegay in guddiga loogu baahan yahay in ay muujiyaan dadaal dheeri ah oo ku aadan sugida amniga Muqdisho.
Maalmihii dambe ayaa waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacaayay dilal ay geysanaayeen Kooxo hubeysan kuwaasi oo ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir.
W/Q;Wariye Siidcali Muuse Maxamed Ateera