Dhageyso: Golaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed Oo Ansixiyay Labo Taliye Ciidan,Dood Dheerna Ka yeeshay Kenya Qunsulka Ay Usoo Magacaabatay Kismaayo {warsaxafadeed}.

0
187

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Md,Madoobe Nuunow Maxamed ayaa maanta shir gudoominayay kulankii Khamiis laha ahaa ee golaha Wasiirada Dowlad goboleedka koonfur Galbeed Soomaaliya kaasi oo looga hadlayay ansaxinta Taliyayaasha ciidamada Nabad-Sugida iyo kan Daraashiishta Gorgor ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Sooomaaliya.

Waxaana loo kala magacaabay:-

  1. Taliyaha Ciidanka Nabadsugida Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Sandheere Maxamed Iftiin.
  2. Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Gorgor Dowlada Koonfur Galbeed G/sare Cabdi Maxamed Amiin oo ku magacdheer (Gaa-gaale)

Golaha ayaa sidoo kale ka hadlay xiisadihii dagaal u dambeeyay ee ka dhacay deegaano hoos taga gobolka Bakool iyo qoladii nabad diidka aheyd ee bar yahan qala laasaha ka waday gobolka Gedo, gaar magaalada Beledxaawo, Golaha ayaa ka dooday warbixin ay soo gudbiyeen maamulka gobolka Gedo oo ku saabsan wax yaabihii ka dhacay magaalada Beladxaawo.

Dhinaca kale golaha wasiirada dowlada Koonfur Galbeed ayaa ka dooday Qunsulka Kenya usoo magacaabatay magaalad Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose. Golaha ayaa isku raacay taasi inay tahay wax madax banaanida iyo Qarannimada Soomaaliya meel ugu dhacayo oo marna la aqbali Karin. Golaha ayaa sheegay in Dowlada Kenya inay ku deg degtay aysan ka fiirsan talaabada ay Qunsulka ugu soo magacaabatay Kismaayo.

Ugu dambeentii Golaha ayaa ugu baaqay dowlada Kenya inay tilaabadaasi dib ugu fiirsato,waa wax abuuri kara dhibaato cusub ee dhexmarta labada Shacab Kenya iyo kan Soomaaliya oo ah labo shacab oo diras ah mana haboona in hada loo abuuro colaad cusub.

—–DHAMAAD—–

Halkan Ka Dhageyso:

[audio:http://arlaadii.net/wp-content/uploads/Dhegayso+Sawiro-shirkii-golaha-wasiirada-Kg-ee-Khamiislaha-oo-maanta-lagu-magacaabay-taliyayaal-ciidan-sidoo-kalena-looga-hadlay-arimaha-Kismaayo-iyo-Beledxaawo.mp3?_=1|autostart=yes]

shiino

Idale News Online.