[audio:http://www.ishabaydhaba.com/wp-content/uploads/2013/12/dhageyso1.mp3|autostart=yes]
Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo xarunta Gobolka Bay, ayaa waxa ay sheegayaan in magaaladaasi ay soo gaareen labo wafdi oo ka kala yimid Gobolka Gedo Iyo magaalada Muqdisho, waxaana wafdiga soo gaarey Baydhabo halkaasi ku soo dhaweeyey masuuliyiinta gobolka, dhaqanka beelaha iyo xildhibaano dowlada federaalka ka tirsan oo ay horkacayeen Sheikh Aadan Madoobe iyo Xildhibaan Xaabsade.
Wafidiga ka yimid Gobolka Gedo oo isugu jiray siyaasiyiin, saraakiil ciidan, cuqaal isla markaasna uu hogaamnaayey Max’uud sayid Aadan oo xildhibaan iyo wasiir hore ka soo noqdey dowladihii KMG ee dalka ayaa si aad ah ugu mahadceliyey soo dhaweynta isaga iyo wafdigiisa ay Baydhabo kala kulmeen, waxuuna sheegay inuu gobolka u yimid inuu ka qeyb galo shir weynaha maamul u sameynta gobolka koonfur galbeed Soomaaliya,sidoo kalena sheegay in wafuud kale oo Kismaayo ka imaaneysa ay dhawaan shirka ku soo biiri doonaan, waxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay habsami u socodka shirka isagoo muujiyey taageeradiisa ku aadan dhismaha maamul ka kooban lix gobol oo kala ah Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose, Bay, Bakool, Gedo iyo Shabeelaha Hoose.
Sidoo kale Masuuliyiin iyo cuqaal ka socota beelaha Biyamaal iyo Shiikaal ee degmooyin ka tirsan gobollada Koonfureed ayaa iyaguna si aadna loogu soo dhaweeyey degmada Baydhabo.
Ma ahan markii ugu horeysey oo Baydhabo wafdi soo gaaro, kaasi u jeedkiis yahay dhameystirka iyo dhismaha Dowlada KG Soomaali, hase yeeshe waxa Magaalada ku sugan ergooyin fara badan kuwaasi oo ka kala yimi gobolada uu ka kooban yahay Maamulka KG Soomaaliya. Waxaana arintan dhabar jab iyo murugo xoogan ku tahay imaanshada wafdiga Gobolka Gedo ee Baydhabo codowga ku howlan burburinta rabitaanka shacbiga KG Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba.
Dhowaan ayaa la filaayaa in la guda galo wajiga 2aad ee shirka oo isaga dhamaanka bishaan la rajeynaayo in ay siyaasiyiinta iyo ergada shirka ay ku lafa guraan dhameystirka maamul loo dhan yahay oo beelaha deegaanada gobolada lixda ah ay si cadaalad iyo is ixtiraan ku dhisan ay u wada dhistaan.
Xasan Bashaa, Baydhabo, Somalia
Xafiiska warqabadka Idale News, Gobolada Koonfur Galbeed,