Baydhabo(INO)-Ergada fadhida magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegay in dib u dhac uu ku yimid doorashada hogaamiyaha maamulka 3-gobol oo maanta lagu waday in lasoo doorto.
Suldaan Shariif oo ergadaasi kamid ah ayaa u sheegay Idaacada Warabaahinta in ay sugayaan madaxda dalka si doorashada uga soo qeyb galaan ayna arintooda ilaa iyo Isniinta ay dib ugu dhigeen.