Dhageyso: Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Oo Amar Adag Dul Dhigtey Xaasaska Al-shabab Ee Ku Sugan Baydhabo

0
245

Baydhabo(INO)- Gudiga amaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo dhawaan uu magacaawey Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aden oo maanta kullan ku yeeshey Magaalada Baydhabo ayaa soo saarey amaro ku aadan dhanka amaanka.

shabaab-haween-afduubtay

Gudigan oo ka kooban 19 Xubnood isla markaana Gudoomiye looga dhigey  Wasiirka wasaaradda Maaliyada Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Xasan Lugbuur, ayaa sheegey in Xasaaska Al-shabab ee ku sugan Baydhabo ay isku soo diiwaan galinayaan Laamaha Amaanka Ee Degmada Baydhabo.

Gudigan ayaa soo saarey shuruudo adag isla markaana waxa loo digey cidii caawisa Maleeshiyada Al-shabaab oo dagaal adag kula jirto Ciiidamada Dowlada Sooomaaliya iyo kuwo Nabad Ilaalinta Midowga Afrika Ee AMISOM.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here