Muqdisho(INO)- Wasiirka Amuuraha gudaha ee dawladda Soomaaliya Abdirahmaan Maxamed Odowaa oo ka hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay dawladdooda kala tashan doonto dawlad gobaleedyada dalka gudiyada dhismaya ee Madaxa banaan, kuwaas oo ay horay umagacaabeen xubnaha golaha Xukuumada ee Soomaaliya.
Wasiirka Arrimaha gudaha oo iska difaacayay eedaha ah in ay kaligood magacowdeen gudiyadan ayaa sheegay in ay katalo galiyeen dhinacyada Siyaasada ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay doonayaan in ay hadeerna ka talogaliyaan Shacabka Soomaaliyeed iyo dawladdaha dhisan.
Wasiir Odowaa ayaa sheegay in ay mudo yar utahay, ayna rajo wanaagsan ka qabaan in ay mudadan yar ku soo koobaan howlo baaxad weyn oo ahayd in la qabto 3-dii sanno ee lasoo dhaafay, taas oo ka dhigan in aysan waxba qaban dawladda Soomaaliya.
Gudiyada madaxa banaan ee uu fasaxayo in ay si wadajir ah udhisaan dawladdaha xubnaha ka noqonaya dawladda faderaalka iyo Xukuumada Faderaalka ayaa ah kuwa badan, waxaana dhawaan si iskood ah umagacowday dawladda Soomaaliya, oo isku aragta in ay tahay awooda kaliya ee Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho