Muqdisho(INO)- Wasiirka Wasaarada duulista iyo gaadiidka Hawada ee Dowlada Federaalka Soomaaliya Cali Jaamac Jingeli oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in aan si toos ah loo joojin duulimaadyadii aadi jiray Magaalada Hargeyso.
Waxa uu tilmaamay in go’aanka ka soo baxay laanta socdaal ee Dowlada ay tahay go’aan u gaar ah isla markaana aysan ka warqabin Wasaarada, waxa uuna si cad u beeniyay in la joojiyay duulimaadyadii aadi jiray Hargeysa.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in aysan aqbali doonin in la joojiyay duulimaadyadii aadi jiray Magaalada Hargeysa ee ka amba bixi jiray Muqdisho.
Shalay ayay ahayd Markii Taliyaha hogaanka Socdaal iyo Jinsiyadaha Dowlada Federaalka Soomaaliya uu ku dhawaaqay in gebi ahaanba la joojinayo wixii ka dambeeya 22 bishaan duulimaadyadii aadi jiray Hargeysa.
Idale News Online,Muqdisho