Dhageyso: Degmada Go’doonsan Ee Xudur Oo Gashey Xaalado Adag

0
231

Xudur(INO)-Maamulka Degmada Xudur Ee Xarunta Gobolka Bakool ayaa Sheegey in degmadaasi uu ka jiro  Sicir barar Aad Xoogan isla markaana uu Saamayey Dadka Degaanka, iyadoona lagu guda jiro bisha Barakeysan Ee Ramadan.

xudur, barakcyaal

Gudoomiyaha Arimaha Bulshada Ee Degmada Xudur Mustaf Aadan Ibraahim ayaa waxa uu sheegey in  Aad loo dareemayo Sicir bararka ka Taagan Degmadaasi, isla markana  waxa uu intaa ku darey in Maciishadii Quutu-daruuriga ahayd ay Cirka isku sii shareereyso Maalimba maalinta Ka sii Dambeeyso.

Maciishada Magaaladu Way sare  kacdey, waxa soo galla magaaladu way yar yihiin, Cuntada Quuto daruuriga ah ee laga soo raro Magaalada Baledweyne oo la soo marsiyo Degmada Ceel-berde, ka dibna Kolonyo ciidan ay soo galbiyaan ayaa Soo gaarta Magaaladu, kuwaasi waa Qaali, waan yara Dhaana Degmooyink kale Ee Gobolka Bokool” ayuu yiri Gudoomiye Mustafe Aadan Ibraahim.

Ugu dambeyntii Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool waxay ka mid tahay degmooyinka  Xoogaga Al-shabaab sida weyn ay u Go’adoomiyeen,isla markaana degmada waxaa ku sugan ciidamadda Itoobiya iyo Kuwa DF Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here