Dhageyso: Ciidamada Amaanka Ee KG Soomaaliya Iyo AMISOM Oo Heegan Ku Galey Degaanka Goof-Gaduud Ee Gobolka Bay

0
262

Goof Guduud-(INO)– Warar naga soo gaaraya Degaanka Goof Guduud ee Gobolka Bay ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi Maanta uu ka jiro dhaq dhaqaaq Ciidan oo ay wadaan Ciidamda KG Soomaaliya  iyo Ciidamada Kuwa Midowga Afrika  Ee AMISOM ee halkaasi jooga.

ciidanka KGS

Guddoomiyaha Degaankaasi Axmed Jadiid ayaau sheegay in weerarradii ka dhacay Gobollada Shabeellaha hoose iyo Jubbada hoose gaara ahaan Dhoobley iyo Leego ay iyagu dareemeen in weerar lagu soo yahay, isla markaana waxa uu  sheegey inay heleen  Qorshaha Dagaal Yahno Al-shabaab oo Soo Gaaley Degaanka Manaas iyo weliba  Bohal-raar oo u dhexeeysa Baydhabo  iyo Degaanka Goof-gaduud ee Gobolka Bay.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya  iyo kuwa Dowladda Ethiopia oo ka mid ah howl galka AMISOM ay dhaq dhaqaaq ciidan oo Aad U Xoogan  ka wadaan halkaasi si looga hor tago weerarro gaadmo ah oo la mid ah kuwii aanu kor ku soo xusnay.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Goof-gaduud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here