Danjire David Shinn oo mar sii horeysay dalka Mareykanka wakiil uga ahaa arrimaha Soomaaliya oo wareysi siiyay idaacada VOA ayaa sheegay inuu khalad u arko in ciidanka Itoobiya ay ku biiraan AMISOM. Danjiruhu wuxuu sheegay in AMISOM la’aan ay ciidanka Itoobiya ka dhex howlgali jireen gudaha Somalia sodaa darteedna aysan muhiim ahayn in AMISOM ku biiraan.
Danjiruhu wuxuu dhanka kale sheegay in ku biiritaanka ciidanka Ethiopia ku biiray AMISOM laga yaabo in dib usoo noolayso cadaawadii ka dhaxaysay labada dal shabaabkuna ay barabagaando ka dhigtaan ay ku helaan soomaali badan oo u dagaal gasho.Wareysiga Danjire David Shinn hoos ka dhagayso.
Idale News Online