Dhuusamareeb(INO)-Iska hor imaad u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogaga Ahlusunna ayaa ka dhacay Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud,waxaana uu geeystay Dagaalka dhimashada Hal Qof.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamda Ahlusunna ee Todobaadkaan la wareegay Dhuusamareeb ay doonayaan in ay isku balaariyaan Degaano hor leh oo ka tirsan Gobolka Galgaduud,si ay u muujiyaan Cududooda Milatari.
Sidoo kale Wararka laga helayo Degaanka Olol oo u dhaw Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ay halkaa isku hor fadhiyaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogaga Ahlusuna.
Maamulka Ahlusunna ee la wareegay Degmada Dhuusamareeb ayaa horay u sheegay in Dowladda Soomaaliya ay heshiis ay wada galeen kaga baxday oo ay doonayaan in ay qabsadaan deegaana ay horay u joogeen heshiiska ka hor
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Dhuusamareeb