Dhageyso: Dagaal Khasaaro geystay oo dhexmaray Habar Gidir & Biimaal

0
192

Marko(INO)- Dagaal ayaa waxa lasoo sheegayaa in mar kale uu ka dhacay Magaalada Marka Cadeey Ee Gobolka Sh/Hoose,Iyadoo warar dheeraad ah la helayo.

Dagaalkaasi waxa uu dhexmaray Maleeshiyo kala taabacsan Beelaha Habar Gidir iyo Biimaal oo dhowr jeer is fara saaray,khasaaro kala duwana uu geystay.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in Maleeshiyaad Hubeysan oo kusugnaa Xaafada Buula jaan ay weerar ku qaadeen goob ay maleeshiyo kale joogeen.

Ilaa labo qof ayaa dhintay shan kalena waa dhaawacmeen sida dadka deegaanku sheegeen oo ahaa dhinacyadii dagaalamay.

Beelaha Habar Gidir iyo Biyo maal ayaa waxa dagaalkooda uu yahay mid kusoo laab laabtay Gobolka Sh/Hoose gaar ahaan Caasimada Magaalada Marka.

Halkan Ka Dhageyso